Nin Tanzaniya u dhashay oo xayeysiiyay inuu raadinayo xaas labaad

Cusmani Mchambua
Image caption Cusmani Mchambua

Nin 75 jir ah oo u dhashay dalka Tanzaniya ayaa billaabay baaritaan uu ku turxaan bixinayo xaas cusub ka dib markii afadiisii hore ay dhimatay.

Cusmani Mchambua ayaa sameeyay boorar xayeysiimo ah oo uu ku dhejiyay nawaaxiga Mbagala ee magaalada Dar es Salaam.

Wuxuu dumarka daneynaya guurkiisa ugu baaqay inay wareysi iyo imtaxaan u yimaadaan.

Xayeysiinta oo luqadda Sawaaxiliga ku qoran waxaa lagu sheegay "Gabadha ku guuleysata waa inay noqotaa howlkar, waa inay beerta maamuli kartaa, waana inay noqon kartaa aayada ama hooyada 11-kayga caruur".

Image caption Waa xayeysiinta uu sameeyay Cusmani Mchambua

Mr Mchambua wuxuu BBC-da u sheegay in uu doonayo in asaga uu samaynayo imtixaanka oo uusan u marayn dhexdhexaadiyayaal kale.

Arrintaasi dhexdhexaadinta ayaa caado ka ah dhaqamada qaar ee dalkaasi Tanzaaniya.

"Waxaan go'aansaday inaan aniga baaritaan ku sameeyo dumarka soo codsada guurka aan raadinayo" ayuu Yiri Cusmani Mchambua

Ilaa iyo hadda, afar dumar ah ayaa maray imtixaanka tijaabada ee lagu ogaanayo inay u qalmaan guurka. Asaga ayaana ka qaaday wareysiga tijaabada ah.

Gabar uu dhalay ninkan oo la yiraahdo Dalia Mchambua, waxay BBC-da u sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in aabeheed uu hanaankan u maro inuu xaas kale guursado.

Waxay intaa ku dartay inay diyaar u tahay inay aqbasho gabadha ku guuleysata arrintan inay hooyo u noqoto.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan