Angela Merkel oo dalbatay in indho shareerka laga mamnuucayo Jarmalka

Mrs Merkel ayaa shacbiyad ku leh Jarmalka in kastoo caqabado ay ka wajaheyso mucaaradka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mrs Merkel ayaa shacbiyad ku leh Jarmalka in kastoo caqabado ay ka wajaheyso mucaaradka

Haweeneyda hogaamiyaha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay inay tahay in la mamnuuco xirashada indho shareerka.

Balse, dumarka Muslimiinta ee dalkaasi ku nool ayaa sharci ahaan loo ogol yahay inay xijaabtaan.

Ayadoo ka hadlaysay shirka xisbigeeda, Mrs Merkel waxay tilmaamtay in dhaqanka Jarmalka uusan u wanaagsanaan jirin in dumarka ay si buuxda wejigooda u qariyaan.

Balse qaar ka mid ah dumarka dalkaasi ku nool ee Muslimiinta ah ayaa sidaasi sameeya marka ay xiranayaan xijaab dhameystiran oo indha shareerka uu ka mid yahay.

Sharcigan, haddii uu dhaqan galo, wuxuu dumarka ka mamnuucayaa inay indho shareer ku xirtaan goobaha shacabka, sida iskuullada, jaamacadaha iyo maxkamadaha.

Balse looma diidayo inay meelaha kale ee aan bulshada ku badneyn ay ku xirtaan.

Weriyaha BBC-da ee Berlin, wuxuu sheegayaa inay tahay markii ugu horeysay oo Angela Merkel ay jeediso hadal noocaan ah.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan