Bandhig Dhaqameed lagu qabtay Minnesota
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhig Dhaqameed lagu qabtay Minnesota (Sawirro)

Bandhig Dhaqameed lagu soo bandhigayo taariikhda, hiddaha, iyo agabka dhaqanka Soomaalida ayaa lagu qabtay xarunta dawladda ee deegaanka Hennepin County oo ah halka maamulo magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Image caption Dharka ragga iyo dumarka
Image caption Agabka dhaqanka
Image caption Canjeerada ama Laxooxda waxaa caan ku ah Soomaalida
Image caption Dhiil, Xeero, Fandhaal, Koor, Hangool (Saalimoow)

Bandhigga ayaa la sheegay in loogu tala galay dadka aan Soomaalida ahayn si ay u fahmaan dhaqanka Soomaalidu leedahay.

Cismaan Maxamed Cali-Gurey, waa guddoomiyaha matxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota. Wariyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen oo bandhigaasi tegey ayuu u warramay.