Falanqayn:  Shirka madasha wadatashiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maanta waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay ku kulmaan madaxda madasha wadatashiga. Shirkan wa

Maanta waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay ku kulmaan madaxda madasha wadatashiga.

Shirkan waxaa la saadaalinayaa in diiradda lagu saari doono geeddi socodka qorshaha doorashooyinka Soomaaliya oo dhowr goor dib u dhac uu ku yimid.

Madaxda maamul goboleedyada ee shirkan isugu imaan doona ayaa qaarkood waxay u sharraxan yihiin madaxweynenimada Soomaaliya, ayadoo loo arko in si toos ah iyo si dadbanba ay faraha ugula jiraan hanaanka doorashada.

Haddaba kulanka Madasha ee maanta maxaa laga fili karaa? Su'aashaas iyo qaar kale ayaan hor dhignay Maxamed Nuur Caalin oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo caalamkaba.