Doorashada aadka loogu loolamayo ee dalka Ghana

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay
Image caption Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay

Dadka Ghana ayaa safaf dhaadheer ku jira iyaga oo codadkooda ka dhiibanaya xarummaha codbixinta doorashada madaxwaynenimada.

Dadka siyaasadda ka faalooda waxay sheegayaan in uu yahay tartan aad la isugu dhaw yahay oo dhexmaraya madaxwayne John Mahama iyo Nana Akufo-Addo oo hogaamiyaha mucaaradka oo ah qof caan ah.

Dhammaan toddobada xubnood ee loolamayaba waxay ku baaqeen in hanaanka doorashada laga dhigo mid nabdoon, laakiin qof mucaaradka taageersanaa ayaa dhintay Isniintii ka dib markii isusoobax uu isu badalay rabshado.

Ol'olaha doorashada waxaa hareeyay dhaqaalaha aan cagaha adag ku taagnayn ee Ghana iyo musuqmaasuqa.

Waxaa la filayaa in natiijadu ay soo baxdo saddexda maalmood ee foodda inagu soo haya.

Image caption Qaar ka mid ah dadka ayaa habeenimadii sii dhigtay calaamado si ay subaxa durba u codeeyaan

Wareegga labaad ee doorashada ayaa la qaban doonaa dhamaadka bishan, waase haddii labada murashax ee ugu cod badan uu san midkoodna helin in kabadan 50%

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption John Mahama (bidix) ayaa doonaya in uu xilka qabto markii labaad; Nana Akufo-Addo (midig) ayaa rajaynaya in uu nasiib yeesho markii sadddexaad oo uu tartamayo

Doorashada baaarlamaanka ayaa sidoo kale la qabanayaa xisbiga Mahama ee NDC ayaana rajaynaya in uu aqlabiyad noqdo isaga oo lala loolamaya xisbiga Akufo-Addo ee New Patriotic Party.

Mowduucyada la xiriira