Dood cilmiyeed dhinaca dumarka oo lagu qabtay safaarada Maraykanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dood cilmiyeed dhinaca dumarka Soomaalida oo lagu qabtay safaarada Maraykanka

Dunida waxaa ka socda ololaha ka dhanka ah xadgudubyada lagula kaco dumarka ee lix iyo tobanka maalmood, kaasoo dadka lagu wacyi galiyo in la joojiyo dhamaan noocyada xadgudubka ee loo gaysto haweenka.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka ay la kulmaan dumarka Soomaaliyeed sida dilka, dhaawaca, iyo kufsiga.

Kulankaas oo ay soo qabanqaabisay safaraadda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu martiqaaday gabdhaha u ololeeya arrimaha haweenka, waxaana goobjoog ka ahaa safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Stephen M. Schwartz iyo danjiraha midowga yurub Veronique Lorenzo.

Xubnihii ka qaybgalay doodaas waxaa ka mid ahaa Fartuun Cabdisalan Xaaji Aden, oo madax ka ah xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Elman, weriyaha BBC-da Muqdisho, Ibrahim Maxamad Adan ayay u warantay.