Britain oo iska fogaysay eeddii uu wasiirkeedu Sacuudiga u jeediyay

Theresa May was the first woman to be invited to the Gulf Cooperation Council summit of leaders from Saudi Arabia, Kuwait, the United Arab Emirates, Oman, Qatar and Bahrain Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xafiiska Ra'iisul wasaare Theresa May ayaa iska fogeeyay eedaynta Sacuudiga loo jeediyay

Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa sheegay in dawladdu aysan la qabin fikirka wasiirka arrimaha dibadda ee ku aadan Sacuudi Carabiya.

Waxaa la helay muuqaal laga duubay wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson oo sheegaya in Sacuudiga oo xulafo la ah Britain uu dagaal oo ka wado bariga dhexe.

Afhayeen u hadashay xafiiska rai'uusul wasaaraha ayaa sheegtay hadalada wasiirka arrimaha dibaddu ay yihiin aragtidiisa shaqsiga ah.

Waxay sheegtay in booqashada soosocota ee gobolka ay jaanis u siin doonto in uu cadeeyo mawqifka Britain eek u aadan dalka Sacuudiga.

Johnson ayaa hadalkaas ka sheegay shir magaalada Rooma ka dhacay todobaadkii hore, waxayse arrintu soo shaac baxday markii uu muuqaalkaas baahiyay wargayska The Guardian

Mowduucyada la xiriira