Mucaaradka Faransiiska: Soogalootiga yaan waxbarasho bilaash ah la siinin

Arday Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES

Hogaamiyaha xisbiga garab-fog ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa ku baaqday in la soo afjaro waxbarashada bilaashka ah ee la siiyo caruurta ay dhaleen dadka sida sharci darrada ah ku gala dalka Faransiiska.

Marine oo ah haweenayda madaxwaynenimada ugu sharaxan xisbiga National Front sanadka fooda inagu soo haya ee 2017-ka ayaa hadal ay ka jeedisay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska waxay ka sheegtay in aysan wax dhib ah u qabin dadka ajaaniibta ah.

Laakiin waxay intaas ku dartay "haddii aad dalkanaga timaado ha filanin in lagu baxnaaniyo, lagu xanaaneeyo intaas ka dibna caruurtaada waxbarasho bilaash ah la siiyo.

"wakhtigii ciyaartu wuu dhamaaday" ayayna sii raacisay.

Marine ayaa la filayaa in ay noqoto mid kamid ah labada musharax ee isu soo hara ee gaara qaybta ugu dambaysa ee doorashada bisha shanaad ee sanadka soo socda.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Marine Le Pen ayaa hogaanka xisbiga Front National qabatay lix sano ka hor

Mowduucyada la xiriira