Milateriga Suuriya oo hakad geliyay howlgalka Xalab

Dad aad u badan oo ka qaxaya Xalab Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad aad u badan oo ka qaxaya Xalab

Ruushka ayaa sheegay in milateriga Suuriya u hakad geliyay dhamaan hawlahiisa ka dhanka ah falaagada mucaaradka ee bariga magaaladda Xalab, si fursad loo siiyo in dadka ay magaalada isaga qaxaan

Laakin weriye BBC-da ka tirsan oo Xalab ku sugan ayaa sheegaya in uusan jirin wax tilmaamo ah oo muujinaya in dagaalku uu joogsaday.

Ergayga gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa soo jeediyay in dagaalka oo la hakiyo ay fursad siinayso in dib ay u bilowdaan wadahadalada nabadda.

Tobaneeyo kun oo qof ayaa waxaa ay ku hoos nool yihiin duqeyn dhanka cirka ah iyada oo ciidanka labada dhinacna ay dagaalka ku loolamayaan gacan ku haynta magaalada.

Mar sii horeysay ayaa falaagada mucaaradka Suuriya ee ku go'doonsan bariga magaalada Xalab waxay codsadeen muddo shan maalmood ah in xabad joojin la sameeyo si dadka shacabka ah iyo kuwa dhaawaca ahba loo daadgureeyo.