Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed oo xilka laga xayuubiyay

Park ayaa shaqada laga joojiyay go'aanka kama dambaysta ah ayaase la yaalla maxkamadda sare Lahaanshaha sawirka EUROPEAN PHOTOPRESS AGENCY
Image caption Park ayaa shaqada laga joojiyay go'aanka kama dambaysta ah ayaase la yaalla maxkamadda sare

Xildhibaanada Koonfurta Kuuriya ayaa xilkii ka xayuubiyay madaxwayne Park Geun-hye oo jahwareer badan uu haystay.

Xildhibaanada dalkaas ayaa ah 300 waxaana kalsoonida kala laabtay 250 ka mid ah.

Marka la fiiriyo tirada badan ee xildhibaanada ah ee u codeeyay in xilka laga qaado waxay cadayn u tahay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay isku xisbiga yihiin ay ka qaybqaateen kalsooni kala noqoshadeeda.

Park xilkeedii wuxuu ku wareegayaa Ra'iisul wasaare Hwang Kyo-ahn.

Kumanaan dad ah oo caraysan ayaa jooga banaanka dhismaha baarlamaaanka iyaga oo doonayay in xilka laga qaado madaxwaynaha.

Park ayaa wajahaysay fadeexad siyaasadeed oo horseeday mudaaharaaadyo badan.

Lahaanshaha sawirka EUROPEAN PHOTOPRESS AGENCY
Image caption Baarlaamka dalkaasi waa 300, waxaana xilka ka xayuubiyay 250 ka mid ah

Fadeexaddaasi waxay salka ku haysaa gabar ay saaxiibo yihiin madaxwaynaha oo la sheegay in ay kalsoonidaas u adeegsatay in ay dano gaar ah ku fushato.

Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in Park ay door ku leedahay musuqmaasuqa ay samaysay saaxiibadeed, laakiin way diiday eedaymahaas.

Waxaa kale oo ay ka dhago adaygtay baaqyo loo soo jeediyay oo ku aadanaa in ay xilka iska casisho.