“Waligey tan oo kale ma arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Lahaanshaha sawirka Syrian Arab Red Crescent
Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen

Iyado dadkii taagta darnaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan.

Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin ma arag tan mid la mid ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo:Nolosha magaalda go'doonsan ee Xalab

Ruushka oo hakiyay duqeyntii bariga Xalab

Ruushka oo diidan qorshaha nabadda ee Xalab

Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo la isku halayn karo. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas.

Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo u noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalena waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan.

Annaga, Ururka bisha cas ee Suuriya iyo ICRC waxaynnu halkaasi u joognay innaan ka wadno dadkaasi Bariga magaalada Xalab.

Lahaanshaha sawirka Syrian Arab Red Crescent
Image caption "Meesha dhamaadka aduunka" sida inay caro soo burqatay"

Waxa ay aheyd goor horaba gudcur sida aynnu ku soconnay jidadka cariirriga ah ee magaalada qaddiimiga ah, waan garanayey deegaankan dagaalka ka hor, waxay ahayd meel camiran oo kobcaysa.

Hadda, waa dukun daakun. Jidadka ma aqoonsan karo, iskaba illow dhismayaasha. Magaalo bahallo galeen oo sida dhagixii u burburtay, waaMeel aduunku ku dhamaaday, waa sida caro afka goosatay.

Dowladda Suuriya oo duqeysay Xalab

Duqeyn ka socota bariga magaalada Xalab

Duqeyntii ugu xumeyd oo ka dhacday Xalab

Dhawaaqa rasaasta cabsida leh ayaa meel dheer laga maqlayaa, ma jiro wax buuq ah, dad ma joogo. Waa innaynu xoogaa lugaynnaa ilaa ugu dambayn dhamaadka, waayo gawaaridu ma gudbi karaan. Meel halkaas ah waxaa ka muuqda, laba guri oo burbursan. Mid waa ragga, midnna waa haweenka.

Waxaan galay dayrka dhismaha. Koox ka mid ah bukaanka oo rasaas haleeshay ayaa jooga, Waxay gashanayeen waxooga dhar ah wayna gariirayeen. Qaar ayaa jahwareersanaa waxay ahaayeen kuwo aad isagu dhow midba midka kale ayuu garabka ku hayey, hareerahooda ayay eegayeen,iyagoo isku dayaya midba kan kale uu ku tiirsado. Dhinaca kale waxaa yaalay maydad, waa illaa tobaneeyo.

Waan garanayey ninka xarunta maamula, waynnu la kulanay, waxaynnu ogaanay in gabi ahaaba qoyskiisii ay geeriyoodeen sadex maalin ka hor: waxaa ka mid ahaa xaaskiisii, wiilkiisii iyo wiil uu awoowe u yahay . Halkan ayuu keenay qoyskiisa waayo wuxuu is lahaa ma jirto cid weeraraysa xaruntan. Meydka dayrkaa yiil qaarkood waxay ahaayeen xubnihii qoyskiisa.

Lahaanshaha sawirka Syrian Arab Red Crescent
Image caption Dhakhaatiirta oo doonaya inay ogaadaan dadka sida aadka ah ugu baahan in la qaxiyo
Lahaanshaha sawirka Syrian Arab Red Crescent
Image caption Meydad ayaa ag dhooban dadka nool

Gudcur ayaa is xidhay, heer kulkii ayaa aad hoos ugu dhacday, markaa waa inaan dhaqso u baxnaa. Waxaan aqoonsannay kuwa aadka ugu baahan caawimaadda. Intii aan hawsha ku jiray nin waayeel ayaa horteenna qabow ugu geeriyooday.

Daawo ma leh. qalabka la isku diiriyo ma jiro. Ma jiro shidaal cunto lagu karsado.Waxaan eegay dhismayaasha innoo dhaw si aan u eego bal wax dad ah, laakiin ma aanay jirin.

Laakiin waxaa jiray mayd kale. Waan u jeednay, laakiin wuxuu ku hoos jiray dhisme burburay. Ma jirin wax aan u qaban karnay,

Daadgurayntu ma ahan mid sahlan. Badi, gaar ahaan kuwa maskaxda ka jiran ma doonayn inay baxaan. Way jahwareersanayeen, ciirsi la'aan ayay ahaayeen. maba aanay garowsanayn inay ku nool yihiin aag dagaal.

Qaar ayaa halkaas ku noolaa afar illaa shan sano. Wax kalaba ma aanayn garanayn "Ma lihin qaraabo kale, ma haysanno meel kale oo aynnu aadnno," qaarbaa lahaa waxaan doorbidaynnaa inaan halkan iska joogno".

Ka dibna ciidammo ayaa yimid. Waxay wadeen lix caruur ah. Waxay ka soo heleen burburka, way dhunsanaayeen, ciirsi la'aan ayay ahaayen, gabar todobo sano jir ah ayaa ugu waynayd, kan ugu yarnna wuxuu ahaa wiil 7 bilood jir ah, waxba ma aanay cunin muddo laba maalmood ah.

Iyagu dhammaantood hadda uun ayay agoon noqdeen oo waalkood ayaa ku dhintay bam dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay. Waxba, ma haystaan, cidnna ma haystaan, Maxaad oran kartaa?,

Lahaanshaha sawirka Syrian Arab Red Crescent
Image caption Bisha & laanqayrta cas waxay daadgureeyeen dadka dhaawaca ah, kuwa waayeelka ah iyo kuwa naafada ah ee maskaxda ka jiran
Lahaanshaha sawirka Syrian Arab Red Crescent
Image caption Qaar ka mid ah dadka maskaxda ka jiran ayaan doonayn inay baxaan

Xarunta gudaheeda 18 qof ayaa doonaya inay joogaan waayo ma haystaan meel ay aadaan. Waxaan rajeynayaa innaan dib ugu laabto oo aan u wax uun caawimaad ah u fidi

Cutub cusub dagaalka ahliga ah:

Dadkan waxay nolashooda ku waayeen dagaalkan foosha xun kaasi oo aannay shaqo ku lahay, oo aysanna go'aansan inay ka qayb qaataan. Waa kuwa ugu nugul dadka nugul. Mana jirto cid badbaadisay.

Tani ma ahan kumaa saxan iyo kumaa qaldan, kumaa guulaysanaya iyo kumaa guuldaraysanaya. Tani waxay ku saabsan tahay dadka, jirkooda iyo dhiigooda, aadanaha ayaa Dhiigbaxaya, dhimanaya,qaar baa laga dhigayaa agoon, maalin kasta.

Waxaan dareemayaa murugo aad u wayn maanta. Fadlan dagaalku waa in uu xad yeeshaa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan