Xaaladda xuquuqda aadanaha ee Mandera
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda xuquuqda aadanaha ee Mandheera

Iyadoo guud ahaan maanta dunida laga xusayo maalinta xuquuqda aadanaha oo ku beegan 10-ka bisha Diseembar ayaa dalka Kenya waxaa la waayay tobonaan qof ah oo la rumeysan yahay in ay kaxeysteen ciidammada ammaanka, halka kuwa kalena la helay meydkooda.

Meelaha ugu badan ee ay arrimahan ka dhacaan ka mid ah magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari.

Mas'uuliyinta booliska Kenya oo arrintani horay uga hadlay way beeniyeen in boolisku ay ku lug leeyihiin dilalalka qorsheysan.

Haddaba, waxaannu umuurahan ka wareysannahay Nuur Cabdow Ahmed oo ka tirsan guddi u ololeeya xuquuqda aadanaha ee dalka Kenya, waxa uu u warramaya weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.