Shirkadaha qaada alaabaha culus oo ku soo badanaya dhulka Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirkadaha qaada alaabaha culus oo ku soo badanaya dhulka Soomaalida

Dhulka Soomaalida waxaa ku soo badanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dadka u qaada alaabaha, kuwaa oo intooda badan ay maalgashadeen dadka qurba joogta ah.

Shirkadahaasi ayaa intooda badan waxa ay dadka dibadda uga soo qadaan alaabaha culus ee sida gaawaarida iyo alaabaha kale ee ganacsiga, iyadoo ay soo mariyaan badda iyo hawaduba.

Haddaba Maxamuud Maxamed Xoorre waxa guuddoomiyaha shirkadda Xoore, waxa uuna Hargeysa ugu waramay weriyaha BBC Axmed Saciid Cige.