Gabar cilmi baare ka ah jaamacadda Bristol oo Soomaalida ka caawisa arrimaha qoyska
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda qoysaska Soomaaliya ah ee ku nool Britain

Toddobaadkan aynu ku jirno waxaa warbixin soo saartay sarkaal sare oo la taliya u ah dowladda Ingariiska, waxa ayna ka digtay in faquuqa lagu hayo qaar kamid ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay ay aad uga sii darayso qeyba ka mid ah dalkaasi.

Dame Louise Casey ayaa hoosta ka xariiqday in haweenka Muslimka ah qaasatan lagu guuldaresytay in laga qeybgeliyo siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Haddaba Mushtaaq Maxamed Xuseen, waa cilmi baare ka tirsan Jaamacada Bristol, isla marakana muddo caawinaysay qoysaska Soomalida ah ee halkaa ku nool.

Weriyaha BBC Cabdiraxamaan Bidhaan, ayaa wareystay Mushtaaq ugu horeyna waxa uu weeydiiyay sida ay ku billowday shaqadan ay bulshada u heyso.