Gaari gaas oo 33 qof ku dilay magaalada Naivasha, Kenya

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Cars on fire after Kenyan oil tanker explosion

Booliska dalka Kenya waxay sheegayaan in ugu yaraan 33 qof ay ku dhinteen ka dib markii gaari siday gaaska cuntada lagu kariyo uu ku qarxay magaalada Naivasha ee Kenya.

gaariga oo siday gaas ayaa shil ku gashay wado muhiim ah, ka dibna way qaraxday, sida wararka ay sheegayaan.

Saraakiisha dowladda waxay sheegayaan in shilka uu sababay, dareewaylka oo maamuli waayay gaariga oo buur ka soo degayay.

Wadada ay booyadda ku qaraxday waxay isku xirtaa Nairobi iyo Naivasha.

Shilka waxaa qeyb ka ahaa 11 gaari oo kale oo dhammaan meesha ku gubtay.

Mid ka mid ah gawaarida gubatay wuxuu ahaa gaari yar oo shacab oo siday 14 qof oo rakaab ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dab uu qabsaday gawaarida oo dadkii saarnaa ay ku jireen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan