Qarax ka dhacay Muqdisho oo 21 qof ay ku dhinteen

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Qarax 21 qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ugu yaraan 21 qof ku dilay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Qaraxa waxaa lala eegtay saldhig boolis oo ku yaalla meel u dhow dekadda magaalada Muqdisho.

Doorashada xildhibaanada Soomaaliya

Xooga dalka Soomaaliya ma jabin karaan Alshabaab?

Dadka ku dhintay waxay isugu jiraan shacab iyo boolis. weerarkana wuxuu dhacay xilli ay meesha mashquul ahayd.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaraxyo badan ayaa horey uga dhacay Muqdisho kuwaas oo dad badan ay ku dhinteen

Waxaa goobta ku yaallay maqaayado iyo xarumo kale oo ganacsi oo ay ku sugnaayeen dad kala duwan.

Sidoo kale qaraxa waxa ku dhaawacmay 48 qof sida uu BBC-da u sheegay madaxa gawaarida gurmadka degdeg ah ee Amiin Ambalaas, Dr Cabdiqadir Cabdiraxman Xaaji Adan.

Qaraxa ka dib xabad ayaa laga maqlayay nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan