Daacish oo qabsatay magaalada taariikhiga ah ee Palmyra

Ciidamada dowladda ayaa u jiheystay dhanka Palmyra oo daacish ay ka difaacayaan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada dowladda ayaa u jiheystay dhanka Palmyra oo daacish ay ka difaacayaan

Kor-joogtada dalka Suuriya ayaa sheegaya in ururka daacish markale uu la wareegay magaalada taariikhiga ah ee Palmyra.

Magaaladaas ayaa daacish laga saaray dhowaan ka dib dagaal culus, iyo Ruushka oo dhanka hawada ka duqeeyay.

Moscow Ruushka ayaa xalay shaaciyay in duullaanka daacish ay ka hortageen.

Balse hadda waxay aaminsan yihiin in ciidamada dowladda Suuriya ay dib uga gurteen Palmyra.

Duqeyn ka socota bariga magaalada Xalab

Erdogan oo difaacay duulaanka Suuriya

Qorshaha xalka Suuriya oo la soo bandhigay

Dagaalyahanada daacish ayaa sabtidii qeybo ka mid ah magaalada qabsaday.

Dhanka waqooyiga, 10 kun oo qof ayaa la aaminsan yahay inay ka qexeen qeybta ay mucaaradka mulaan ee Xalab.

Bariga magaaladaasi waxaa ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya dagaal yahanada mucaaradka iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya Ruushka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xalab waxaa ka qaxay kumannaan qof

Mucaaradka dalka Suuriya ayaa sheegay inay iska caabiyeen ciidamada dowladda oo kusii durkayay deegaanada ay maamulaan ee Xalab.

Degmoioyiinka weli mucaaradka ay ku jiraan ayaa duqeyn ay ku socotaa.

Beesha caalamka waxay codsanayaan in dowladda Bishar Al-Asad ay hakiso dullaanka ay ku hayso bariga Xalab.

Dowladda Suuriya oo duqeysay Xalab

Duqeyntii ugu xumeyd oo ka dhacday Xalab

Ciidamada dowladda ayaa militari dheeraad ah u diray magaalada Taariikhiga ah ee Palmyra.

Magaaladaasi waxaa weeraray dagaal yahanada Daacish, taas ayaana keentay in culeyska uu ka yaraado Xalab.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan