Madaxweynaha cusub ee Ghana oo wax ka qabanaya dhaqaalaha

Madaxweynaha Ghana Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha cusub ee Ghana Nana Akufo-Addo

Madaxweynaha la doortay ee dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa BBC-da u sheegay in marka xilkaasi loo dhaariyo uu muhiimadda koobaad siin doono kobcinta dhaqaalaha dalkaasi.

Waxa uu sheegay in shaqo la'aan ba'an ee haysata dhallinta dalkaasi ay tahay wax aad looga walaaco.

Akufo-Addo ayaa intaa ku daray in uu sameyn doono xafiis baaritaan ku sameeyo musuqa ka jira dalka, arrintaa oo qayb weyn ka ahayd ololihiisa doorashada.

Madaxweynaha la doortay ayaa ku adkeystay in xafiiskaasi la dagaalanka musuqmaasuqa uu noqon doono mid ka madax bannaan mas'uuliyiinta dowladda, isla markaana uu noqon doono mid ay dadka oo dhan ku qanacsan yihiin.