Turkiga oo xirxiray 118 ruux oo hor leh

Weerarkan istanbul ee 44 ruux dilay ayaa ah mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee ay magaalada ka gaystaan malayshiyaadka Kurdiyiintu Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Weerarkan istanbul ee 44 ruux dilay ayaa ah mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee ay magaalada ka gaystaan malayshiyaadka Kurdiyiintu

Booliiska dalka Turkiga ayaa xirxiray 118 masuul oo ka tirsan xisbiga HDP, iyaga oo lagu eedeeyay in ay calaaqaad la leeyihiin malayshiyada Kurdiyiinta ah, sida ay ku warantay warbaahinta dawladdu.

Waxaa loo qaqabtay shaki la xiriira in ay ka mid yihiin ururuka PKK ee la mamnuucay, sida ay wararku sheegayaan.

Turkiga oo PKK ku eedeeyay qarixii Istanbul

Ciyaaryahan Turki ah oo lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay

Turkiga iyo Israa’iil oo heshiiyay

Askarigii u horeeyay ee Turki ah oo ku dhintay gudaha Suuriya

Xirxiritaankan ayaa yimid labo maalmood ka dib markii ay labo qarax ka dhaceen meel u dhaw garoon ku yaalla magaalada Istanbul kaas oo ay ku dhinteen 44 ruux.

Dhanka kalana dalka Austria ayaa ku baaqday in gabi ahaanba meesha laga saaro wadahadalka Turkiga ee ku aadan ka mid noqoshada Midawga Yurub.