Labo qof oo ku dhimatay duufaan ku dhufatay Hindiya

Duufaanta Hindiya. Lahaanshaha sawirka Imran Qureshi
Image caption Duufaanta Hindiya.

Kumanaan qof ayaa isaga baxay guryahooda iyadoo xarumha waxbarashada la xiray, ka dib markii duufaan ay ku dhufatay xeebaha koonfur bari Hindiya.

Dufaanta ayaa wadatay roobab xoog leh iyo dabaylo waxayna ku dhufatay caasimadda gobolka Konfureed ee Hindiya ee Chennai iyo sidoo kale goobollada ku yaalla ee Tamil Nadu iyo Andhra Pradesh.

Ka hor inta aysan dhicin dufaanta Vardha, ayaa dadkii deganaa agagaarka xeebta ay isaga qaxeen guryahooda, iyadoo duulimaadka diyaaradahana la hakiyay. Duufanta ayaa sidoo kale dhibatooyin u geysatay waddooyinka ay maraan tareenada gobolkaasi.

Ciidammada badda ee Hindiya ayaa shaqoyiinkooda la hakiyay iyadoo la diyaariyay kooxo gurmad ah iyo gargaar loo gaarsiiyo dadka goobahaasi ku nool hadii loo baahdo.

Dabyelo xooggan iyo daadad ayaa cagta mariyay qeybo badna oo ka mid ah magaalada Chennai iyadoo geedo abdan iyo nalalka magaalada ay dabyeluhu dhulka dhigeen.