Heshiis Midowga Yurub iyo Mali oo lagu yaraynayo tahriibka

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ciidamada Faransiiska ayaa caainaya Mali kadib markii Islaamiyiin ay qabsadeen qaybo ka mid ah waddanka

Kooxaha ururada bulshada rayadka ee Mali ayaa dhaleeceeyay heshiis ay saxiixeen dowladda iyo Midowga Yurub, si loo yareeyo dadka imanaya Yurub.

Heshiiska oo la saxiixay Axadii, Midowga Yurub ayaa siin doona lacag gargaar Mali si shaqo loogu abuuro dadka iyo in lagu adkeeyo maamulka xuduudda.

Mali ayaa laga doonayaa heshiiska inay ka hortagto dadka wax tahriibiya iyo inay aqbasho dadka laga soo celiyo Yurub.

Kooxaha ururada bulshada oo la yiraah Collectif Bi-Ton, ayaa sheegay in dad badan oo reer Mali ah oo laga soo celiyo Yurub gaar ahaan ay u daran tahay waddanka, sababtoo ah waxay waddanka u soo diraan lacag badan sanad walba.

Mowduucyada la xiriira