Boqor reer Uganda ah oo argagixisanimo lagu eedeeyay

Charles Mumbere Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Charles Mumbere

Boqorka gobol ku yaalla dalka Uganda ayaa lagu soo eedeeyay inuu ku kacay falal argagixisanimo . Dhageysiga dacwadiisa ayaa ka billaabatay maxkamad ay soo buux dhaafiyeen taagerayaashiisa oo ku taalla bariga Uganda.

Charles Mumbere waxaa la xiray bishii la soo dhaafay, ka dib markii dowladda ay weerartay gurigiisa halkaasoo lagu dilay 80 qof.

Uganda: 55 dagaal ku dhimatay

Maxkamad amartay xiridda iskuullo ku yaalla Uganda

Uganda: Xasilooni ku soo noqotay magaalada Kasese

Ma cadda wali in eedeymaha argagixisanimada ay la xiriirto rabshadihii dhawaan dhacay ama eedymo kale oo uu wajahayay boqorka oo ah inuu askeri ka tirsan boolsiak toogtay bishii March.

Boqorkan waa uu diiday inuu ku lug lahaa wax rabshado ah.

Waxaa sidoo kale lagu soo oogay eedaymo la xiriira dhac iyo iskuday dil, waxayna dhagaysiga dacwadiisa ka socotaa magaaladda Jinja, halkaasoo uu ku sii xirnaan doono ilaa 28-ka bishan December.

Boqorka lama siinin fursad uu arinkaasi uga hadlo.

Dad ka badan 100 qof ayaa la xiray ka dib markii la weeraray guriga boqorka bishii la soo dhaafay.

Dowladda Uganda ayaa ku eedaysay boqorkan inuu qoray uuna tababaray maleeshiyaad doonayay inay ka go'aan dalka Uganda oo uu alkumo Jamhuuriyad loogu magac daray Yira.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan