Ganacsiga xaafadda Islii oo hoos u dhac laga dareemayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsiga xaafadda Islii oo hoos u dhac laga dareemayo

Aalaaba xilliyadan oo kale, waa bisha Diseembar-ee sanad walba oo ah marka ay dadka masiixiyiinta ah ay isku diyaarinayaan ciidooda, ayaa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxa laga dareemi jiray dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan.

Suuqa Islii ayaa ganacsatada iyo dadka macaamiisha ahba uga imaadaan dalalka bariga Afrika, si ay suuqaan uga dukaameystaan.

Balse, sanadkan xaalka sidaa waa uu ka duwan yahay, waxaana loo aaneynayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay qiimaha alaabta oo aan sidiisii hore aheyn.

Waa tan warbixin arrintaa ku saabsan oo uu inoo diyaariyay, weriyaha BBC Bashir Maxamed Caato.