Nafaqadarra ba'an oo haysato carruurta ku nool Yemen

Image caption Caruurta Yemen oo ay haysato nafaqadarra ba'an

Shaqaalaha hay'adaha gargaarka ayaa sheegaya in tiro laba milyan oo carruur ah oo ku nool dalka Yemen, ay hadda nafaqadarra ba'an ay haysato.

Hay'adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF, ayaa sidoo kale sheegeysa in tobankii daqiiqaba ugu yaraan hal cunug uu halkaa ugu dhinto cudurro laga hortagi karo.

Dalka Yemen ayaa ka mid ahaan jiray dalalka caalamka ugu saboolka ah xitaa ka hor inta dalkaasi uusan ku hooban colaadda sokeeye sanadkii la soo dhaafay, waxaana uu dagaalka u dhaxeeyay dowladda iyo fallaagada xutiyiinta.

Hadda UNICEF waxa ay sheegeysaa in cunnada gargaarka aysan gaarsiin karin dhulka ay baahida weyn ka jirto ee dalkaasi, waxa ayna ku tilmaantay arrinta halkaa ka jirta in ay tahay mid masiiba ah.