Trump oo u magacaabay madaxa Exxon, Rex Tillerson, inuu noqon doono xoghayaha arrimaha dibadda

Rex Tillerson oo ka hadlaya shir tamarta oo la qabtay 2015 Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rex Tillerson oo ka hadlaya shir tamarta oo la qabtay 2015

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, ayaa xaqiijiyay in madaxa Exxon Mobil, Rex Tillerson, uu u magacaabay in uu noqon doono xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Mr Trump ayaa ku ammaanay Mr Tillerson, oo 64 sano jir , wuxuuna ku tilmaamay inuu ka mid yahay "hogaamiyayaasha ganacsiga ee sameeyay heshiisyada caalamiga ee guusha gaaray"

Mr Tillerson ayaa la sheegayaa inuu xiriir fiican la leeyahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyadoo taasi walwal galinaysa xisbiga Dimoqraadiga iyo qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga.

Magacaabida Mr Tillerson ayaa u baahan inuu Senate-ku ansixiyo.

Maalmo ka hor ayaa waxaa soo baxay in sirdoonka Maraykanka ay aaminsan yihiin in Ruushka uu caawiyay doorashada Trump, iyadoo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen kombutaro la jabsaday.

Sirdoonka USA: 'Ruushkaa faragelin sameeyay si uu u sare ugu qaado Trump'

Muran soo kala dhex galay Trump iyo saraakiil sarsare

Trump: Putin ayaa ka hoggaan fiican Obama

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa ah diblomaasiga ugu sareeya, ee masuulka ka ah in la hirgaliyo siyaasadaha arrimaha dibadda ee dowladda.

" Shaqada Rex Tillerson ayaa astaan u ah riyada Maraykanka", ayuu sheegay Mr Trump.

" Tayada adkaysigiisa, qibradiisa iyo fahamka siyaasada arrimaha dibadda ayaa ka dhigaysa qofka ugu fiican ee loo doorto xoghayaha arrimaha dibadda".

Mr Tillerson ayaa sheegay in magacaabida ay u tahay sharaf, isagoo sheegay inuu la wadaago Mr Trump aragtidiisa in la soo celiyo aaminaadii xiriirka arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo in la adkeeyo ammaanka waddanka".

Mowduucyada la xiriira