Iran ayaa sheegtay inay samaysanayso maraakiib ku shaqaysa nukliyeer kadib markii Maraykanka uu sii dheereeyay waqtiga cunaqabataynta Iran.

Markab Iran oo maraya Suez Canal, Ismailia, Egypt. Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Iran ayaa horay u sheegtay inay u samaysanayso teknoolajiyad nukliyeer ah maraakiibteeda

Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa ku amray masuuliyiintiisa in la sameeyo maraakiiib ku shaqaysa nukliyeer, isagoo ku eedeeyay Maraykanka inay jabiyeen heshiiskii nukliyeerka ee sanadkii hore.

Hogaamiyayaasha waddamada ugu awooda badan ayaa ku heshiiyay in cunaqabataynta laga qaado, kadib markii heshiis laga gaaray barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

Laakiin Kongareska Maraykanka ayaa dhawaan u codeeyay in cunaqabataynta Maraykanka ee saaran Iran waqtiga loo dheereeyo.

Madaxweyne Barack Obama ayaa la filayaa inuu saxiixo sharciga, Laakiin wuxuu sheegayaa inuusan saamaynaynin heshiiskii caalamiga ee nukliyeerka Iran.

Hadal uu soo saaray Mr Rouhani, ayaa ku dhaleeceeyay talaabada kongareska inay jabisay heshiiska, wuxuuna sheegay inuu masuuliyiinta waydiistay inay bilaabaan "samaynta gaadiidka badda ee ku shaqeeya nukliyeer."

Iran oo bilawday mashruuc internet waddanka uu leeyahay

Wuxu kaloo sheegay in Iran ay u dacwoon doonto gudiga kormeeraya heshiiska.

Markii uu ololaynayay, Donald Trump, oo madaxweyne loo doortay ayaa ku hanjabay inuu joojinayo heshiiska Iran, laakiin ma cada sida siyaasadiisa ay u shaqan doonto.

Iran ayaa horay u sheegtay inay samaysan doonto maraakiib ku shaqaysa nukliyeer, markii ay jirtay xiisada barnaamijkeeda nukliyeerka.

Laakiin qabiirada ayaa sheegay inay noqon doonto mid aad qaali u ah oo aan lahayn faa'iido istaraatijiyad leh.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan