Afeey oo ka hadlay arrimaha qaxootiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Afeey oo ka hadlay arrimaha qaxootiga

Kumanaan qaxooti Soomaali ah ayaa waxa ay ku nool yihiin daafaha caalamka, gaar ahaaanna waddama bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Kenya.

Tirada ugu badan qaxootigan ayaa waxa ay ku jiraan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo dowladda ay hadda dooneyso in ay albaabada u laabto marka la gaaro bisha shanaad ee sanadka dambe kaddib markii ay ka noqotay go'aankeedii hore ee ahaa in ay xeryahaasi xirto bishii November ee aan soo dhaafnay.

Haddaba weriyaha BBC-da Bashkas Jug-soo-dhacay ayaa arrimaha qaxootiga Soomaalida ka waraystay Mohammed Abdi Affey oo ah ergayga gaarka ah ee hay'adda Qaramad midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, oo dhawaan socdaal ku tagay waddamada gobolka ee ay ku nool yihiin dadka qaxootiga ah ee soomaalida.