Dullaan cir iyo dhul ah oo markale Xalab dib uga bilowday

Qiiq ayaa ka baxayo xaafadaha mucaaradka ay maamulaan Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Qiiq ayaa ka baxayo xaafadaha mucaaradka ay maamulaan

Xabad joojintii lagu heshiiyay maalin ka hor ee Xalab ayaa burburtay. Duqeynta diyaaradaha ayaana dib uga bilowday magaalada gaar ahaan goobaha weli mucaaradka ay maamulaan.

Waxaa jiro warar sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya mucaaradka iyo xoogagga taabacsan dowladda uu ka socdo dhanka bariga.

Dagaalka Xalab oo dhamaaday

Dawladda Suuriya oo qabsatay 70% bariga Xalab

Dagaal iyo duqeymo dib uga billowday Xalab

Labada dhinac wuxuu midba mid ka kale ku eedeynayaa dagaalka dib u bilowday ee Xalab.

Ujeedada heshiiska xabad joojinta waxay ahayd in magaalada laga saaro dagaalyahanada mucaaradka iyo shacabka ku go'doonsan.

Lahaanshaha sawirka Salah Ashkar
Image caption Mucaaradka ayaa duubay muuqaallo ayadoo duqeynta ay socoto

Basas loo diyaariyay in lagu qaado dadkaasi ayaa dib u noqday ayagoo faaruq ah, ka dib markuu dagaalka bilowday.

Maleeshiyada la baxday Xisbullah oo dowladda la safan waxay sheegtay in 15 kun oo qof laga saaray Bariga Xalab, ayna ka mid ahaayeen afar kun oo dagaalyahan mucaarad ah.

Xalab oo bambooyin sun ah lagu garaacay

Xisbullah waxay sidoo kale sheegeysaa in dadka ku nool xaafada ay mucaaradka hareereeyeen loo ogolaado in ay ka baxaan halkaasi.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Basas ayaa la geeyay Xalab ka dib xabad joojinta, balse qofna maysan soo qaadin

Madaxweynaha dalka Suuriya, Bashar al-Assad, wuxuu ku andacooday in dalalka reer Galbeedka aysan dan ka leheyn shacabka Xalab.

Wuxuu tilmaamay in madaxda reer galbeedka iyo warbaahintooda inay ka walaacsan yihiin shacabka Xalab, marka dowladda ay ku duushay Xalab oo keli ah.

Wuxuu intaas ku daray inaysan walaac ka muujin markii la weeraray xarunta dhaqanka iyo dhaariikhda ee Tadamur, ama Plamyra, iyo goobo kale.

Ruushka oo diidan qorshaha nabadda ee Xalab

UN: guryaha ayaa "lagu dhexlaynayo" shacabka Xalab dagan

Hadalkaasi wuxuu u sheegay TV ay leedahay dowladda Ruushka, wana wareysigii ugu horeeyay tan iyo markii laga guuleystay mucaaradka Xalab.

Hase yeeshee, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, , Mevlut Cavusoglu, wuxuu Suuriya, Ruushka iyo Iiraan ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin qorshaha lagu samata bixinaayo dadka ku go'doonsan bariga Xalab.

Wuxuu sheegay in dadka u baahan gurmadka degdegga ah ay qasab tahay inay yeeshaan mudnaanta koobaad.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan