Fallanqeynta doorashada Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Fallanqeynta doorashada Soomaaliya

Dalka Soomaaliya guddiga xallinta khilaafaadka waxaa uu laalay 11 kursi oo lagu muran sanaa.

Kuraasta dib loo celiyay waxa ay ka kala yimaadeen dhammaan maamul goboleedyada dalka.

Waxaan shan ka mid ah horay looga soo doortay magaalooyinka Baydhabo, Puntland iyo Hirshabelle kuwaasi oo min laba kursi lagu celiyay.

Ilaa iyo haddana lama cadeyn sababta rasmiga ah ee kuraastaasi dib loogu celiyay maamul goboleedyada.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa ayadoo la filayay in maanta magaalada Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaanadii kusoo baxay doorashada dadban ee Soomaaliya.

Haddaba maxaa laga filayaa dhaarinta labada aqal su'aashi iyo kuwa kale ayuu weriyaha BBC Axmed Xaaji Xassan waxa uu weydiiyay. Dr ibrahim Faarax bursalid oo ka faaloda arrimaha caalamka.