26-sano ah maku shaqeyn laheyd mushaar la'aan ?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

26-sano maku shaqeyn laheyd mushaar la'aan ?

Dhageyste muddo 26-sano ah maku shaqeyn laheyd mushaar la'aan ? Waa su'aal laga yaabo in dad badan ay maya ugu jawaabi lahaayeen, balse Saynab Cabdi warsame oo deggan magaalada Xiingalool ayaa mudda 26 sano ah waxa ay si mutadawacnimo ah hawlo caafimaad ugu qabanaysay bulshada ay la deggan tahay.

Seynab oo hadda ah madaxa qaybta hooyada iyo dhalaanka ee Xingalool ayaa muddadaasi mushaar la'aan ku shaqeyn jirtay, waxa ayna hawshaasi soo billowday sanadkii 1988.

Haddaba Seynab oo ay Suheyba Badqas qadka taleefoonka kula xiriiray ayaa weydiisay ugu horreyn shaqadeeda waxa ay tahay?