Fallaagada iyo rayidka oo ka baxaya bariga Xalab

Suuriya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Suuriya

Heshiis cusub oo la sheegay in lagu daad gureyn doono dagaalyahanada fallaagada Suuriya iyo dadka rayidka ah ee bariga magaalada Xalab ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo saacadaha soo socda, waa haddii ay wada aqbaalaan dhammaan dhinacyada isku haya colaadda.

Fallaagada ayaa sheegaya in shacabka iyo dagaalyahannadooda la filayo in ay billaabaan in ay isaga baxaan goobahaasi aroornimada maanta.

Waloow aan weli arrintan laga xaqiiqsan dowladda Suuriya iyo xullufadooda Ruushka.

kooxda Xisbullaah ee taageerta dowladda ayaa beenisay in la gaaray heshiis, waxa ayna sheegtay in ay jiraan caqabado.

Heshiis xabad joojin ah oo la gaaray Tallaadadii ayaa si dhakhso ah u burburay.