Bariga Xalab oo dadkii ugu horeeyay laga saaray

Dadka waxay isugu tageen mid ka mid ah goobaha mucaaradka ay maamulaan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadka waxay isugu tageen mid ka mid ah goobaha mucaaradka ay maamulaan

Kollonyadii ugu horeysay ee siday dadkii ku harsanaa deegaanada mucaaradka ee Xalab ayaa u dhaqaaqay deegaanada mucaaradka ee Idlib iyo xarunta gobolka Xalab.

Gawaari isugu jira basas iyo kuwa gurmadka degdegga ah oo ay horkaceyso hay'adda Bisha Cas ee Suuriya ayaa waxaa lagu qaaday dadka xanuunsan iyo kuwa dhaawac ah.

Kumannaan ka mid ah dagaalyannada mucaaradka iyo qoysaskooda ayaa la filayaa inay ka baxaan bariga xalab.

Dagaalka Xalab oo dhamaaday

Mucaaradka Xalab oo weli dib loo riixayo

Waxaa heshiiska qeyb ka ah in marin nabad ah loo furo dadka dhaawaca ah eek u jira deegaanada mucaaradka ay go'doomiyeen.

Waxaa ka mid ah degmooyiinkaasi Kefraya iyo Fuwa oo xoogagga mucaaradka ay ku hareereysan yihiin.

Dagaalka Xalab oo lagu kala baxay

Ruushka oo gacan ka geysatay heshiiska waxay sheegtay in dadka ka baxayo bariga Xalab aan dhibaato loo geysaneyn.

Waxay arrintaasi ku wargelisay Qaramada Midoobeey.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan