Bangiga Adduunka: $75 bilyan oo lagu caawinayo dalalka saboolka

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Waddamada deeqda bixiya ayaa u balanqaaday Bangiga Adduunka 75 bilyan oo dollar oo lagu caawimnayo waddamada saboolka ah.

Bangiga ayaa ku dhawaaqay heshiiska shir ay ku lahaayeen waddamada xubnaha ka ah bangiga magaalada Yogyakarta ee Indonisia.

Gudoomiyaha Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa ku tilmaamay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu yaraynayo saboolnimada hoosaysa.

Bangiga ayaa filanaya inuu isticmaalo lacagta saddex sano, iyadoo lagu taageerayo borogoraamyo laga samaynayo waddamada saboolka ah oo ay ku jiraan caafimaadka, nafaqada iyo tababarka ilaa 10 milyan oo macalimiin ah.

Waxaa kaloo lagu taageerayaa barnaamijyo biyaha iyo tamarta nadiifka ah.

Bangiga ayaa qorshaynaya inuu ku daro lacag dheeraad ah oo uu ku kabo lacagta deeq bixiyayaasha, oo ay ku jirto lacag uu ka ammaahanayo bangiga suuqyada lacagaha.

Mowduucyada la xiriira