Guddiga xuquuqul insaanka baarlamanka Kenya oo baaraya dilalka dalkaa ka dhaca
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guddiga xuquuqul insaanka baarlamanka Kenya oo baaraya dilalka dalkaa ka dhaca

Guddiga xuquuqul insaanka ee barlaamanka Kenya ayaa bilaabay baritaan xaqiiqo raadin ah oo ay ku dabagalayaan kiisaska dadka la la`yahay ee aanan la garaneyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Xubnaha guddigaasi ayaa warbixinta ay arrintaasi ka diyaariyaan waxa ay u gudbin doonaan baarlamanka, halkaasi oo xildhibaanada ay kaga doodi doonaan kaddibna go'aan kaga gaari doonaan.

Haddaba guddigaasi waxaa kamid ah xilidhibaan Cabdulaahi Maxamed Diiriye (Dhakalow) oo laga soo doorto koonfurta Wajeer, waxa uu baaritaanada ay wadaan uga warramay weriyaha BBC Ciise Xaaji Cabdulle.