Trump oo danjire ka dhigay nin taageersan haysashada dhulka Falastiiniyiinta

David Friedman Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption David Friedman

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa u magacaabay David Friedman inuu noqdo safiirkiisa Israa'iil.

Friedman oo ah qareen 57 sano jir ah, ayaa Trump kala talinyay arrimaha Israa'iil intii uu ku guda jiray ololaha doorashada.

War qoraal ah oo uu soo saaray Donald Trump ayuu ku sheegay in aqoonta uu Friedman u leehay gobolka ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Israa'iil.

Shimon Peres qof noocee ah ayuu ahaa?

Dab ka kacay qeybo ka mid ah Israa’iil

Magacaabidda madaxa ciidammada Israa'iil oo maxkamadi hakisay

Friedman ayaa sheegay inuu daneynaya inuu ka shaqeeya "safaaradda Mareykanka ee caasimadda Israa'iil ee Qudus". Tallaabadaasi ayaa ka careysiin doonta Falastiiniyiinta oo bariga Qudus u arko inay tahay dhul ay iyagu leeyihiin.

Qarammada Midoobay uma aqoonsano Qudus inay tahay caasimadda Israa'iil, safaaradda Mareykanka-na waxaa sanado badan xarun u ahayd Tel Aviv.

Balse Trump ayaa ballan qaaday intii uu ololaha ku jiray inuu caasimadda Mareykanka uu u wareejin doono Qudus.

Ra'iisal Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu oo aan xiriir wanaagsan la lahayn madaxweyne Obama ayaa soo dhaweeyay doorashada Trump.

Diyaaradaha Israa'iil oo duqaymo ka gaystay gudaha Suuriya

Maxkamadda ICC oo booqaneysa Israa'iil iyo Falastiin

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan