Maxay saluugsan yihiin dadka Suudaan?

Waxaa qeyn ka ah muddaaharaadyada in la dukaamada la xiro Lahaanshaha sawirka Mohamed Elhag/Twitter
Image caption Waxaa qeyn ka ah muddaaharaadyada in la dukaamada la xiro

Banaanbaxayaal jooga Suudaan ayaa qabanaya "maalin amar diiddo" ah. Waa maxay arrintaas, maxayse saluugsan yihiin.

Maxay dibad baxayaashu samaynayaan?

Halkii ay waddooyinka u soo bixi lahaayeen ama ay socod ku aadi lahaayeen wasaarad ama madaxtooyada si ay walaacooda u muujiyaan, sidii horeba u dhici jirtay, ayey mudaaharadaadeyaal jooga Suudaan waxay ku dhaqaaqeen arrin ka sahlan - waa ayagoo guryaha iska joogay.

Ardayda qaarkood ayaan aadin iskuullada iyo jaamacadaha, shaqaaluhuna ma aysan aadin xafiisyada. Xataa qaar ka mid ah shaqaalaha dawladda ayaan shaqo tegin. Xeladdan ah in "amar diiddo" la sameeyo ayaa hore la isugu dayey - bishii November. Banaanbaxayaashu waxay sameeyeen seddex maalmood oo ahaa mudaaharaad "guri joogid " ah.

Dadka ayaa Twitter soo galiyey waddooyin iyo xafiisyo cidlo ah ayagoo isticmaalaya haashtaagyada kala ah #SudanCivilDisobedience and #Dec19Disobedience.

Amnesty oo eedeysay dowladda Suudaan

Al-Bashiir oo ammaanay Donald Trump

Kerry iyo Kenyatta oo ka shiraya Ammaanka gobolka Bariga Afrika

Maxay ka caroodeen?

Arrinta kicisay mudaaharaadyadan ayaa timid bishii hore markii xukuumadda Suudaan ay soo rogtay wareeg cusub oo ah talaabooyin gunti-giijis ah - xilli dhaqaalaha dalkaas uu liito oo dad badan oo reer Suudaan ah ay nolosha la daalaa-dhacayaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweyne Cumar Al bashiir ayaa uga digay mdaaharaadayaasha inay banaanka isugu soo baxaan

Kororka sicirka baasiinka iyo Naaftada ayaa sare u qaaday sicirka waxyaabo badan oo daruuriyaad ah oo dawooyinku ku jiraan. Dawladda ayaa markii dambe ka saartay dawooyinka, bacdamaa ay dad xanuunsanaya awoodi waayeen inay dawooyinka iibsadaan oo taasina ay caro keentay.

Laakin in badan oo dadkaas ah - oo aan waxba awoodin - ayey arrintan u tahay tallaabo kale oo dhiirri galinaysa nacaybka ay u qabaan madaxweyne Cumar al-Bashiir iyo xukuumadiisa.

Tan iyo markii uu Bashiir xukunka inqilaab ku qabsaday 1989, Suudaan ma aysan soo marin hal maalin oo nabad ah, dagaallo sokeeye ayaana dhacayey Darfuur, Koofurta Kordofan iyo Niilka buluugga ah.

Yaa abaabulaya maalinta amar diiddada?

Waa su'aal xiiso leh, waana mid cidina aysan u muuqan inay jawaab u hayso. Baaqyadii ugu horreeyey ee ah in guryaha la joogo ayaa soo galay baraha bulshada ee internetka, laakinse ma jirin urur ama koox sheegatay inay mas'uul ka ahaayeen.

Lahaanshaha sawirka Mohamed Elhag/Twitter
Image caption Waddooyinka qaar way marnaayeen maanta

Taa beddelkeeda, waxay u muuqataa in hawshaas ay qabteen tiro dad ah oo baraha bulshada isticmaala, kuwaasoo aan cidna si gaar ah gacan-saar ula lahayn. Ururro badan ayaa taageeray ololaha, kuwaasoo ay ku jiraan xisbiyada mucaaradaka, ururrada dhaqanka, iyo kooxaha dhallinyarada.

Xataa dhaqdhaqaaqa ugu weyn fallaagada, SPLM-North, ayaa isku dayey inay taageeraan mudaaharaadka. Sidaasoo ay tahayna mudaaharaadeyaal badan ayaa shaki ka muujiyey isku daygaas ah in ay ku soo biiraan ama weji kale ay u yeelaan dadaalkooda.

Dowladdu siday uga jawaabcelisay?

Mudddaaharaadyadani ayaa waxaa cad inay dowladdu ka careysiiyeen.

Isbuucii la soo dhaafay madaxweyne Bashiir ayaa ka digay in falalkani aysan sababi doonin afgembinta dowladiisa. Dibadbaxyo noocaan ah ayaa ka dhacay caasimadda bishii September ee 2013-kii.

Lahaanshaha sawirka STR
Image caption Muddaaharaadyadii sanaddii 2013-ka ka dhacay caasimadda Khartuum

Xoogagga ammaanka ayaa adeegsaday rasaas si ay ukala eryaan dibedbaxayaal ka careysnaa tallaabooyin gunti-giijiska ah oo ay dowladdu soo rogtay. Dowladda aya qaadatay tallaabdaasi oo ay ku talisay Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF. Dhaqaalaha dalkaasi Suudaan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay go'aanka ay dadweynaha Suudanata Koonfureed xornimada uga qaateen Suudaan.

Waxaana uga sii daray xaaladda qiimaha saliida caalamka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid.

Kooxaha u doodo xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ilaa iyo 200 oo qof lagu dilay rabshadahaasi.

Balse hadda xoogagga ammaanka ayaa isticmaalay qiiqa dadka ka ilmeysiiya oo kali ah si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha. Waxaa xasbiga loo taxaabay mas'uuliyiin ka tirsan mucaaradka waxaana waregeysyada laga maamnuucay inay tabiyaan wararka mduadaaharaadyada.