Ruushka oo baareyaal u diray Turkiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Danjirha Ruushka ee Turkiga oo la toogtay

Dawladda Ruushka ayaa baareyaal u dirtay dalka Turkiga ka dib markii nin booliis ah uu dilay danjirihii Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara.

Mevlut Mert Aydintas ayaa toogtay Andrei Karlov oo khudbad jeedinaya Isniintii, iyadoo ay u muuqatay in ninkaasi uu diidanaa faragalinta Ruushka ee arrimaha magaalada Xalab ee dalka Suuriya.