Maxay ku dambeyn kartaa xaaladda magaalada Xalab?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay ku dambeyn kartaa xaaladda magaalada Xalab?

Fallaagada Suuriya ayaa lagu soo warramayaa inay ogolaadeen in dadka dhaawaca ah ee ku sugan labada tuulo ee go'doonsan ee dowladda gacansaarka la leh halkaa laga saaro.

Shaki ay kala qabaan labada dhinac ayaa sii waynaanaya, iyadoo dhinacba dhinaca kale uu ku aydaynayo inuu jabiyay heshiisyadii hore loo gaaray.

Dhanka kale Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Suuriya inay gaaraan xabbad joojin ka hirgasha dalka oo dhan.

Haddaba xaaladda Xalab maxay ku dambeyn kartaa? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu hordhignay Dr Xasan Al-Basri oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Axqaaf ee dalka Yemen, kana faalooda arrimaha dunida muslimka, oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay sababta ay u joogsatay daadgureyntii ka socotay magaalada Xalab?