Shiinaha oo qabtay gujis Maraykanka laga leeyahay

USNS Bowditch ayaa gobolka joogay oo cilmi baaris ka waday Lahaanshaha sawirka US NAVY
Image caption USNS Bowditch ayaa gobolka joogay oo cilmi baaris ka waday

Washinton ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Shiinaha, ka dib markii askarta Badda ee Shiinaha ay ka qabteen gujis bilaa naakhuude ah oo Ameerikaanku leeyahay badda South China Sea.

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay in wax la fahamsan yahay inuu yahay gujis cilmi baaris saynis ah samaynaya uu hawl ka waday biyaha caalamiga ah ee ka baxsan Filibiin.

Waxay sheegeen in badmaaxayaal shiinees ah ay hore ka dafeen, ayadoo markab ay leeyihiin ciidanka badda ee Maraykanka uu doonayey inuu soo saaro. Ma jirto jawaab ka soo baxday Shiinaha.

Shiinaha ayaa ka carooday markii bishan gudaheeda uu madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, su'aal galiyey sida ay dalkiisa uga go'an tahay inuu u ilaaliyo siyaasadda Beijing ay madax banaanideeda ku hoos keenayso Taiwan.