Rabshado xabsi ka dhacay oo la xakameeyey

Askarta rabshadaha ka hor tagta oo xabsiga sii galaya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Askarta rabshadaha ka hor tagta oo xabsiga sii galaya

Maamulayaasha ayaa dib u hantay gacan ku haynta xabsi muddo 12 saac ka badan ay rabshado ka socdeen, kuwaasoo lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwii ugu darnaa ee 26 sano dhaca.

Wasaaradda caddaaladda ee UK ayaa sheegtay in koox rabshadaha ka hortagta ay dib ugu soo celiyeen kala dambayntii afarta qaybood ee xabsiga HMP Birmingham, in yar ka dib 10:30 habeennino ee Jimcihii.

Waxaa halkaa loo geeyey inay wax ka qabtaan rabshado la fahamsan yahay inay ku lug lahaayeen ilaa 600 oo maxbuus.

BBC ayaa fahamsan in hal maxbuus ay waxyeello ka soo gaartay intii ay socdeen rabshadaha, kaasoo isbitaal loo qaaday, ka dib markii uu tarar ka galay lafta daanka, lafta isha ku wareegsanna ay jabtay.

Waxaa iminka la qiimaynayaa qaybaha xabsiga, si loo ogaado khasaaraha inta uu le'eg yahay, xoghayaha difaaca, Liz Truss-na waxay sheegtay 'in aan loo dulqaadan doonin' rabshado xabsiyada ka dhaca.