Jubbaland oo ka hadashay geel la dhacay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jubbaland oo ka hadashay geel la dhacay

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay geel maalmo ka hor la sheegay in Al Shabaab ay galbeedka Kismaayo ka dheceen.

Maxamuud Sayid ayaa BBC u sheegay in ay ku raadjoogaan kooxdii geela dhacday oo uu ku sheegay inay ahaayeen Al Shabaab.

Dhaca noocan ah ayuu ku sheegay mid deegaannadooda ku cusub. Faarax Lamaane ayaa weydiiyey waxa ay ilaa hadda ka maamul ahaan iyagu qabteen.