Faahfaahin: Qaraxii ka dhacay Turkiga

Baska oo qaraxa ka dib uu dab qabsaday Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Baska oo qaraxa ka dib uu dab qabsaday

Milateriga Turkiga ayaa sheegay in 13 askari ay ku dhinteen 48-na ay ku dhaawacmeen weerar looga shakisan yahay in loo adeegsaday gaari ay waxyaabaha qarxa saarnaayeen oo lala eegtay bas ay askartaas ku socdaalayeen.

Baska ayaa marayey magaalada ku taalla bartamaha Turkiga ee Kayseri.

Sawirro Tvga laga dawaday ayaa muujinayey baska oo burburay.

Weerarka ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn jaamacadda Erciyes.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan