Dhibaatada Tahriibka iyo maansadii Xabsi Tahriib
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatada Tahriibka iyo maansadii Xabsi Tahriib

Iyadoo guud ahaan maanta caalamka laga xusayo maalinta muhaajiriinta adduunka ayey hay'adda socdaalka addunka ee IOM-ta waxa ay sheegtay in sanadkan sii dhamaanaya ee 2016-ka ay dhinteen in ka badan 7000 oo muhaajiriin ah, halka kumanaan kalana la la'yahay.

Qaramada Midoobayna waxa ay sanadkan 2016 ku sheegtay inuu yahay sanadkii ugu dhimashada badnaa muhaajiriinta caalamka.

Dhibaatada tahriibka dadka ay sida gaarka ah u saameysay waxaa ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee naftooda ku biimeeya safarro halis ah.

Haddaba waxaan arrimahan tahriibka ka wareysannay Maxamed Saalax Maarre oo ah hal abuur da'yar, oo isagoo jooga magaalada Boorama u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay halka dhibaatada tahriibka dhaliyarada Soomaaliyeed ay salka ku hayso?