Xaaladda Gambia maxay ku dambeyn kartaa?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda Gambia maxay ku dambeyn kartaa?

Urur goboleedka ECOWAS ee ay ku midoobeen wadammada Galbeedka Afrika ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u taageeraan natiijada doorashadii Gambia.

Madaxweynaha talada haya, Yaxya Jammeh, ayaa diiddan inuu ogaalado in doorashada uu kaga adkaaday musharaxa mucaaradka ee Adama Barrow.

Haddaba go'aanka ECOWAS muxuu ka dhigan yahay? Su'aashaas iyo kuwa kale ayuu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare hor dhigay Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha caalamka, isla su'aashaas jawaabteeda ayuu hadalkiisa ku bilaabayaa.