Wareysi Mulki Nuur Muudeey oo cayaari jirtay Basketball-ka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi Mulki Nuur Muudeey oo cayaari jirtay Basketball-ka

Mulki Nuur Muudeey oo horey u ahaan jirtay cayaartoy kubadda baaskit-ka sanaddihii sideetameeyadii ayaa hadda waxay gabadho ay dhashay oo ciyaara basketball-ka siisaa tababar, kuwaasi oo haatan u kala cayaara laba kooxood oo basketball-ka ah oo ka dhisan magaaladda Muqdisho.

Haddaba sheekadda xiisaha leh waxay tahay marka ay dhacdo in labada kooxood ee ay ka tirsan yihiin gabdhaha Mulki ay dhashay iska horyimaadaan middee ayay la jirtaa maxayse samaysaa haddii ay sidaasi dhacdo?.

Muxuuse ku kala badalan yahay waqtigii ay cayaari jirtay iyo hadda oo gabdhaheedda ay ku joogaan jidkeedii cayaaraha basketball-ka? waxay uga warantay BBC Maxamed Cumar Baakaay ayaa wareysigan qaaday.