Abwaan Boon Xirsi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abwaan Boon Xirsi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

ALLE ha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday magaaladda Hargeysa Boon Xirsi oo ahaa abwaan, heesahaa, majaajileyste iyo jilaa.

Marxuum Boon Xirsi wuxuu ka tirsannaan jiray kooxddii hoboladda Waaberi wuxuu ka qayb qaatay jilliinka riwaayado badan, wuxuu curiyey heeso iyo riwaayado.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliland iyo fanaaniin caan ah ayaa tacsi u diray qoyska iyo eheladda iyo shacabka uu ka geeriyooday Boon Xiri.

Haddaba muddo dhawr sano laga jooga ayaa weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige wuxuu ka wareystay Boon Xirsi taariikhda fankiisa, iyo sida uu ugu soo biiray, waliba heesaha uu curiyey.