Warqad uu Maxamed Cali u diray Mandela oo lagu iibiyay £7,200 oo pound

Warqadda Maxamed Cali uu u diray Nelson Mandela Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Warqadda waxaa qoray qof caawiye u ahaa oo qalday magaca Maxamed Cali.

Warqad saxiixan oo feeryahankii geeriyooday Maxamed Cali uu u qoray madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa lagu iibiyay £7,200 oo pound.

Warqadda ayaa ahayd Tacsi uu Maxamed Cali u diray Mandela oo uu uga tacsiyeynaayay mid ka mid ah hogaamiyayaashii la dagaallnkii midab-kala sooca oo geeriyooday.

Warqadda waxaa la qoray 1993-dii. Waxaana lagu iibiyay si xaraash ah.

Mandela saaxiibkii oo ku baaqay in Zuma la casilo

Zuma oo ka hadlay natiijada ANC

Ninka iibsaday warqadda, Andrew Aldridge, wuxuu yiri: "Waa sax in la dhoho Maxamed Cali wuxuu ahaa feeryahankii markastaa ugu wanaagsanaa caalamka. Nelson Mandela na wuxuu ahaa mid ka mid ah dadkii ugu wanaagsanaa caalamka."

Henry Aldridge iyo Son oo iibiyay warqadda waxay sheegeen inay filayeen in Mareykanka gudihiisa looga gato inta u dhexeysa £6,000 iyo £8,000 oo pound.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maxamed Cali ayaa laba isbuuc ku sugnaa South Africa, sanadkii 1993-dii

Warqadda waxaa qeyb ka ahayd sharaxaad ku saabsan sida ay ku dhacday in magaca Maxamed Cali uu qaldo caawiyihii qoray oo hadda ah qofka iibiyay.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tacsida ayaa ku saabsanayd Chris Hani, oo sawirka kala muuqdo Nelson Mandela, kaas oo la dilay 1993-dii

Mr Aldridge wuxuu sheegay in Mandela uu sawir uu la galay Maxamed Cali uu saartay miiskiisa, sidoo kalena uu ku daray buugiisa.

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Warqadda Maxamed Cali uu u qoray mandela

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan