Daadgureynta dadka Xalab oo dib loo bilaabay

Warbaahinta Qaranka Suuriya ayaa sheegtay in duhurkii ay basas galeen bariga Xalab hasayeeshee muddo saacadaha ah aanay halkaa ka soo bixin Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Warbaahinta Qaranka Suuriya ayaa sheegtay in duhurkii ay basas galeen bariga Xalab hasayeeshee muddo saacadaha ah aanay halkaa ka soo bixin

Wararka ka imanaya waddanka Suuriya ayaa sheegaya in bariga magaalada Xalab dib looga bilaabay daadgureynta dadkii ku xayirnaa aagga ay fallaagadu maamusho ee magaaladaasi.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in ay magaalada dib uga bilaabeen daadgureynta dadkii ku xayirnaa.

Sarkaal ayaa sheegay in shan bas iyo gaari kuwa gurmadka degdega ah lagu qaaday 350 qof.

Daadgureynta ayaa horay loo joojiyay kaddiib weerraro taxane ah oo lagu qaaday basas kale oo loo isticmaalay galbeedka Xalab.

Dhanka kalana. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta uu u codeeyo qaraar u ogolaanaya Jamciyadda inay la socoto hannaanka dadka halkaasi looga daadguraynayo.

Ruushka ayaa haatan sheegaya inuu ku qanacsan yahay habka loo dhigay qaraarka kaddib markii uu horay u diiday.