'Boqolaal ku dhimatay' xabsiyo Hindiya ku yaalla

Booliiska Hindiya ayaa inta badan sheega in maxaabiistu ay u dhintaan xanuunno ama ay geeriyoodaan iyaga oo raba in ay baxsadaan Lahaanshaha sawirka .
Image caption Booliiska Hindiya ayaa inta badan sheega in maxaabiistu ay u dhintaan xanuunno ama ay geeriyoodaan iyaga oo raba in ay baxsadaan

Ku dhawaad 600 oo ruux ayaa ku dhimatay xabsiyo ku yaalla dalka Hindiya intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2015-kii, sida ay warbixin cusub ku sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka.

Hay'adda xuquuqda aadanuhu waxay sheegtay in uusan jirin qof booliis ah oo loo xukumay in uu ka dambeeyay dil xabsi gudahii ka dhacay wakhtigaas.

Booliiska Hindiya ayaa ku celceliya in maxaabiistu ay u dhintaan xanuunno, qaarkoodna ay is dilaan.

Laakiin hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegaysa in tirada intaas la eg ee dhimashada ah ay ka dambayso jirdil ka dhaca xabsiyada dhexdooda.

Shineemooyinka Hindiya oo lagu amray inay shidaan heesta calanka

Hindiya oo 'duqeysay mintidiinta gobolka Kashmir'

Laakiin saraakiisha dawladda ayaa diiday eedaymaha ku qoran warbixintan oo ka kooban 114 bog.

Hay'ddu intii ay baaritaankan waday waxay si wayn u dabo gashay 17 ruux oo xabsiyada ku dhintay intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2015-kii, dadkii la waraystayna waxaa ka mid ahaa70 ruux oo ka mid ah qaraabada dadka dhintay, dad goob joogeyaal ahaa, khuburo dhanka cadaaladda ah iyo saraakiil booliis ka tirsan.

Warbixintu waxay sheegtay in 17-kaas ruux markii la xirayay aysan booliisku raacin nidaamkii saxda ahaa, taas oo keenaysa in ay sahlanaato in tacadiyo loo gaysto dadka laga shakisan yahay.

Mowduucyada la xiriira