Wiil 3 jir ah oo lagu toogtay Maraykanka

Wiilka ayaydii ayaa booliiska wacday si ay u wargaliso Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Wiilka ayaydii ayaa booliiska wacday si ay u wargaliso

Wiil saddex jir ah oo ayaydii ay u sii qaaday suuq laga tukaamaysto ayaa dhintay ka dib markii ay haleeshay xabbad uu soo riday nin ka carooday sida ay ayaydii gaariga u waday.

Arrintaas ayaa ka dhacday magaalada Little Rock, ee gobolka Arkansas ee dalka Maraykanka.

Gaariga uu wiilku saarnaa waxaa xabbad ku riday darawal kale oo u qaatay in haweenaydu aysan xawaare wanaagsan ku wadin gaariga si ay uga gudubto nalka dadka kala haga inta uusan joojinin.

Wiilka ayaydii ayaa Isbitaal oola carartay balse markii dambe isbitaalka ayuu ku geeriyooday.

Booliiska ayaa sheegay in ay baadigoobayaan gaari madaw oo noociisu yahay Chevrolet Impala, balse faahfaahin badan ah kama aysan bixinin ninkii waday.

Maamuus loo sameeyay wiil yar oo Kansar qaba

Singapore oo xirtay wiil yar oo Islaamka iyo Kiristaanka aflagaadeeyay

Booliiska magaalada Little Rock ayaa Twitterka ku soo qoray in wiilka iyo ayaydii aysan wax dambi ah lahayn isla markaasna aysan wax calaaqaad ah la lahayn ninka hubaysan ee falkaas ka dambeeyay.

Wali lama shaacinin cidda ay yihiin wiilka iyo ayaydii.

Bishii hore gabadh yar oo labo jir ah ayaa ku dhimatay isla magaalada Little Rock ka dib markii uu qof gaari ku soo kaxeeyay dhankooda oo uu rasaas ku furay gaarigii ay saarnayd.

Ilaa iyo haddana booliisku ma aysan gacanta ku dhigin qofkii ka dambeeyay weerarkaas gabadha lagu dilay.

Mowduucyada la xiriira